Soomaali: Wada Diktoor, Professor iyo Digrii Beena

Mawduucii qoraalkan lagu bilaabay ee ahaa Soomaalida iyo isticmaalka titleka PROFESSARNIMADA hoos ayuu ku jiraa. Qoraaladan hore waa faalooyin mar dambe laga daba geeyey.

Maanta caalamka shahaadooyinka noocyadooda kala duwan, oo PHD ku jirto, si aad u qaadato waxaad u baahantahay oo keliya inaad lacag bixiso. Adduunka maanta, sida jaamacaddaha Soomaaliya looga furtay si lacag looga sameeyo, ayaa sidoo kale dad badani u furteen jaamacaddo bixiya digriiya kala duwan oo ay lacag ka sameeyaan kuwaasoo loo yaqaan "Diploma Mill" ama "Degree Mill"  oo Somali badani "degree"yo kala duwan ka soo qaateen. Maanta jaamacad hebel, oo aan lahayn fasal la fadhiisto oo xafiis keliya oo ay ciwnaan ka dhigtaan oo qura le, laakiin marmarka qaarkood isku lamaaniya gooba aqoomood oo jira, oo aan badnaa magac weyn lahayn, intay lacag bixiyaan, ayaa PHD, Master iyo digriiya iibiya oo lacag dadka ka qaata iyagoo aan waxba barin. QAARKOOD waxay kuugu balan qaadayaan DHAWR BILOOD inaad PHD ku qaadan karto!!!!.

Xayeysiisyada Jaamacadaha beenta ku saleysan qaarkood waxa ka mida:

·    "If you enroll today, we will send you your diploma, a laminated, wallet-sized replica of your diploma, honors of your choice, transcripts, and letters of recommendation."

·    "You will receive unlimited support from us, including verification of your credentials to prospective employers."


·    "Get your bachelor's degree AND a master's degree today for $1,200."

·    "Do you want a diploma without the dreary classes, droning professors and annoying exams?"


·    "You can receive a diploma from our university based on your present knowledge and life experience. No classes necessary!"


·    "There will be no required tests, classes, books or interviews."
·    "Bachelor's, master's, and doctoral degrees are available in the field of your choice."


·    "You have been selected to earn your MBA."


·    "$425 will certify you for a bachelor's degree from John Doe University."


·    "You will receive your diploma within days."


·    "With an additional payment of $75 in tuition, you will earn Magna Cum Laude."

 

 

PHD MA RABTAA INAAD IIBSATO? (Halkaa ha ka akhristeen, intiina taqaana ingiriisugu, xitaa sida MARAYKAN DADKA PHDa soo gataa meela wax uga noqdeen oo ay ganacsi ahaan dibeda uga furteen Jaamacaddo bixiyo PHD iyo digriiyo kale.)

FAWDADA WAXBARASHO: Soomaaliya Jaamacaddaha, koolajyada, mac-hadyada,  iyo dugsiyada kala duwan waxaa looga furtaa sidii dukaan bacadle aha oo kale. Kuwa furta waxay u tahay meel ay, sida NGOyada, shaqa ka abuurtaan oo lacag ku sameyaan.

Inkastoo jaahilnimadu cudur tahay oo dawadeedu aqoonta oo keliya tahay laakiin haddana cudurka taa ka khatarsani waa kan uu qabo jaahilka isu haysta inuu aqoonyahan yahay; cudurkaa dambe dawa ma le. Soomaaliyana cudurkaa aqoonyahannimda aan jirin ayaa sida daacuunka ugu faafaya.

Soomaalidu iyadoo dawlada ayaa la ogaa siday u adkayd in waxbarasho taya le oo aqoonayahan tayo le wado loo hirgilyo laakiin maanta oo ay fawdo tahay, kuwa aan dugsi hoose wax ka dhigi karin, ayaa jaamacaddo furanaya si ay lacag uga sameeyaan. Hal dhaktar, oo wuxuu soo bartay iyo meeshuu wax ka soo bartay aan la caddeyn karin, ayaa raba inuu kuliyad caafimaad furto oo Diktoor iyo kalkaaliyaal cafiimaad (nurses) tababaro. Soomaalida sidaa u badani ajanebiga ay waa "Dr ama Professor" dalka ku soo geliyaan, xitaa hadday yihiin derbi-jiifayaal(homeless) dariiqyada Malaysia, Suudaan, Maraykan ama Ingriiska, iwm. ka soo baqoolay,  oo go'aansaday inay ganacsiga waxbarashada beenta ah ee adduunka ku faafeysa lacag ka sameeyaan, cidi ma hubiso, sida aan loo hubin Soomaalida wadata, oo meeshay doonaan bay wax ka dhigaan, hadday dhakhaatiir sheegtaana, waxay taa ku daraan iney ciday doonaan "daawo iyo qaliin" la tiigsadaan. Soomaaliya badaheeda keliya qashin qub adduunka uma noqon laakiin dadkeedu xagga caafimaadkana waa shaybaar cid kastii timaado oo Soomaaliday doonto qalato ama dawadey doonto siiso; xagga waxbarashadana waa meel kuwii dadka ugu jaahilsanaa ama aan aqoonba lahayn, xitaa Itoobiyaan iyo Kiiniyaan jaahiliinii ku jiraan, ay ku soo qamaameen si ay lacag uga sameeyaan carruurta Soomaaliyeed. Sida dhulka, hawada iyo baddaha Soomaaliyeed wixii la doono loogu sameeyo maadaama dawlad iyo dad ilaashadaa jirin, ayaa ardayda iyo carruurta Soomaaliyeed aaney jirin cid xaqooda ilaalisaa oo dad aan la aqoon waxay yihiin fasala loogu xeeraayaa iyagoo sidaa lacag looga qaato markaana waraaq shahaado lagu magcaabay meelahaa looga daabaco oo la gudoonsiiyo.

Ardayda Soomaaliyeed oo waxbarashada jecel dawlad iyo dad ilaaliya xaqooda ayey la'yihiin. Soomaalida jecel in ay  ka baxaan jaahilnimda "Wasaarada Waxbarasha iyo Barbaarintu" waa iney xaqooda ilaalisa, iyaga garab istaagtaa, dhiiri gelisaa ee uma baahna iney cid kasta oo jaamacad furaneyso soo dhoweysa oo ardadaa fiican godkaa jaahilnimo uga talaabsato.

Soomaali digrii ay siisay jaamacad xitaa laga yaabo in aanay aasaas adag ku taagneyn ama jirin iyo ajenbiga adduunka ku shaqeysta ganacsida "diploma mills" ku saleysan ayaa isu taga maalin kasta oo ku dhawaaqaha iney jaamacad fureen.  i. Dawlada Soomaaliyeed, inkastoo aaney aheyn wax dawlad lagu magcaabi karaa, waxa waajib ka saaran yahay ilaalinta ardayda Soomaaliyeed iyo joojinta ama ka hortaga waxbarashada fawada ah oo dalka curyaamin doonta mustaqbalka. Dalku wuxu noqon doonaa meel aqoon laawe uu aqoon laawe wax soo baray oo aan rabin inuu waxbarato oo isu haysta in uu waxbartay ay qarqiyaan.

 

WAA KAN HOOSE QORAALKII PROFESSORNIMDA KU SAABSANAA.

{ALLSANAAG} Qof in magaciisa laga hormariyo "title"ka PROFESSOR, isagoo madaxweyne ah, kama duwana qof "general" gaadhay oo magaciisa laga hormariyiyey derejadii KAPTANIMADA ee uu mar ahaan jiray.

Dalalka caalamka si kala duwan ayaa PROFESSORNIMADA looga isticmaalaa, dereja kala sareysa oo kala mudan ayey muujisaa, dad heerkooda aqoomeed kala sareeyo ayaa loogu wada yeedhaa. Iyadoo kala duwanaashahaasi meesha yaalo, haddana waxa la isku raacsan yahay in PROFESSORNIMADU tahay derejo ku kooban qof ku dhexjira baahinta iyo badinta aqoonta, oo goob waxbarasho ama goob cilmi baadhis ku sugan. Dalalka badankiisu inkastoo ay ku gaar yaaleen cinwaankaa kuwa badanaa wax ka dhiga goobaha sare ee waxbarashada, sida jaamacaddaha iyo kuliyadaha-sare, laakiin waxa jira dalal, sida Talyaaniga, ugu yeedha PROFESSOR kuwa ka dhiga gooba waxbarasho oo ka hooseeya kuwaa.  

Dalka Soomaaliya iyo dadka Soomaalidu sida ay fawdada siyaasadeed ugu dhex waasheen ayey fawdo derejanimo ay ugu dhex wareersan yihiin. Fawdadaasi waxay gaadhsiisay in xitaa warbaahinta iyo shaqaalaha dawlada la dhoodhoobay ee Soomaaliyeed ay garan waayeen goorta ay meel  ka dhactahay in PROFESSORNIMO cinwaankeeda la siiyo qof hadda wata mid taa ka weyn oo mudan.

Waxaa dhacda in madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaanka, ra'iisal wasaaraha, wasiirada iyo baarlamaanka Soomaaliyeed xubno ka mida,  iwm.,  marar badan magacood la raaciyo PROFESSOR HEBEL ama INGINEER hebel. Haddii qof soo maro derejada Alifle oo noqdo "Major" ma aqbaleen in loogu yeedho Major Alifle Hebel Hebel ee wuxu ku doodi lahaa in loogu yeedho oo keliya Major Hebel Hebel. Sidoo kale ma aha, hadduu uu xitaa ahaan jiray, in qof noqday Madaxweyne, Gudoomiya Baarlamaan, Ra'iisal Wasaare, Wasiir, iwm., dib loo celiyo oo la yidhaahdo Madaxweyne Professor Hebel Hebel, Ra'iisal Wasaare Professor Hebel Hebel, Gudoomiye Baarlamaan Professor Hebel Hebel, ama Wasiir Professor Hebel Hebel. Aqbalida ay aqbalaan ashkhaastaa xilalkaa sare ee kala duwan hadda hayaa in dawlada dhexdeeda, waraaqaha ka soo baxa dawlada, warbaahinta iyo shaqaalaha dawladu ugu yeedhaan PROFESSOR HEBEL waa mid mucjiso ah. Waxa la odhan karaa qofkaa in hoos loo dhigo aqbalaya hadda ama isagu qoranaya xirfadaa "Professornimo" ee aanu hadda shaqada ku lahayn, ma fahamsan yahay macnaha ay aduunka badankiisa "PROFESSORINIMADO" ka leedahay? Ma shakhsi aan weligii "Professor" dhab ah noqon baa oo moodaya cinwaankaa oo loo raaciyo derejadiisa hadda iney wax u kordhinayso?

ProfessorSomali

Laba khalad ayaa ku jira habkaa Soomaalidu dadka cinwaanada u siineyso. Tan koowaad qof hadda darejadiisu ka sareyso, ay ka mudan tahay, ixtiraam iyo awood weyn tahay, hadduu xitaa soo maray derejooyinka kala duwan ee "PROFESSORNIMADA", ayaa derejadiisa cusub la raacinayaa PROFESSORNIMO (Madaxweyne Professor Hebel Hebel waxa la mid tahay General Laba Alifle Hebel Hebel oo kale). Tan kale cinwaanka PROFESSORNIMADA, sida qaalibka ah, waa derejo qeybo kala duwan le oo ah tilmaan iyo maamuus la siiyo qof faafinta iyo badinta aqoonta markaa ku dhexjira oo badanaa heysta derejeda Ph.D, inkastoo iyana ay la wadaagaan cinwaankaa kuwa badan oo aan heysan Ph.Dda laakiin xirfadaa ku dhexjira oo iyagu qaatay shahaadooyin kale.

Ujeedada qoraalkani ma aha in halkan aan ku kala dhigno sida dalal kala duwani u isticmaalaan cinwaanka PROFESSOR, qeybihiisa, heerka aqoonta badanaa looga baahdo qofka cinwaankaa la siinayo, iwm. Waxaan keliyoo uga dan leenahay qoraalkan in Soomaalida ku baraarugaan khaladka weyn oo ku jira siday hadda u adeegsadaan.

Waa hoos dhig iyo xaqiraad aad u weyn in qof gaaray derejada u sareysa caalamka, sida inuu dal dhan u noqdo madaxweyne, in la sharaf dilo cinwaankaa uu wato oo ah "MADAXWEYNE" oo la raaciyo "PROFESSOR." Waxa iyana gef ah in Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra'iisal Wasaaraha  ama Wasiirada dalka hoos loo dhigo oo loogu yeedho Professor ama Injineer Hebel ama Hebla.  

Caalamka iyo sida "titleka" qofku isu bedelo marka shaqadiisu isbedesho aan eegno dalka Maraykanaka. Tusaale aan u soo qaadano Wasiiradii Hore ama Xoghayadii Hore ee Arrimaha dibeda ee Maraykanka Professor Condeleexa Rice(ogaalkay Jaamacad bay dib u bilawday iney wax uga dhigto markii shaqadii Xoghaynimadu ka dhamaatay). Markay Golaha Wasiirada ee Bush ku biirtay, Rice oo markii ay noqoneysey Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Maraykanka toos uga soo wareegatay shaqada Professornimda, waxay noqotay "U.S. Secretary of State Condoleezza Rice" oo weligeed looguma yeedhi jirin "Secretary of State  Professor Condoleezza Rice." Markii shaqada wasiirnimadu(ama Xoghayanimada Arrimada Dibedu) ka dhamaatay waxay noqotay Wasiirkii Hore Arrimaha Dibeda Dr. Condeleezza Rice(Former United States Secretary of State  Dr. Condoleezza Rice). Mudo ka dib markay dib ugu noqotay iney ka mid noqoto Jaamacaddaha midkood, oo shaqadeedii BOROFESARNIMADA dib u gashay, waxay noqotay "Former U.S. Secretary of State Professor Condoleezza Rice" at Jaamacad Hebla.

Sida ay ciidamadu u isticmaalaaan derejooyinka ay ka mid yihiin General, Lieutenant General, Major general, Brigadier General Colonel, Lieutenant Colonel, Major iyo Captain, iwm., ayaa goobaha waxbarashada iyo cilmi baadhista sare u isticmaalaan derejooyinka ay ka mid yihin Distinguished Professor, Professor, Associate Professor, Assistant Professor, Adjunct Professor, Collegiate Professor, Visiting Professor, Research Professor, iwm. Professor emeritus ayaa qofka gaadhay derejada "Professor", ma aha tan Soomaalida u taqaan ee ah in qofku Ph.D qaato, ee hawlgabka noqoday loogu yeedhaa jaamacaddaha qaar, haddii uu weli ku xidhan yahay halkaa.

Warbaahinta iyo dadka Soomaaaliyeed PROFESSORNIMADA, qofka dereja kasta shahaadadiisu ha noqotee, ha u daayeen kuwa ku dhex jirta goobaha waxbarashada ee kala duwan ee dalka. Kuwa ahaan jiray ama aan ahaan jirin ee maanta derejooyinkaa ka sareeya shaqada PROFESSORNIMADA haya, halagu maamuso derejadooda oo keliya. Madaxweyne Injineer Hebel Hebel ama Madaxweyne Professor Hebel Hebel ama Gudoomiye Baarlamaan Professor Hebel Hebel  ama Ra'iisal Wasaare Professor Hebel Hebel ha la xusuusnaado iney la mid tahay General Xiddigle Hebel Hebel oo kale.

Waxaan rajenyeynaa in Soomaali kale sii baadhaan macnaha PROFESSORNIMADA ee Soomaalida wareerisay iyo maamuus xumada ku jirta in magaca, tusaale ahaan, Madaxeynaha Soomaaliyeed, laga hormariyo derejadaa oo ay Soomaalida baraarujiyaan.

 

Additional information