29 November 2009 ayey ahayd markii uu cadeeyey Cadde Muuse in ilaa 500 shan boqol oo askari oo ka tirsan Puntland in ay ku biireen burcada taasoo meesha ka saareysa hadalada ay warbaahinta caalamiga ah siiyaan madaxda Puntland wuxuuna sheegey in ay ka wadaan amnimo xumo weyn magaalooyinka Puntland Ciidamadii Hore.
"Puntland waxaa xagal daacinaya habsami u socodkeeda burcad badeeda maxaa yeelay waxaaba ka mid ah ciidamadii amaanka ee laga rabay in ay la dagaalamaan kooxaha burcada, taasi waa nasiib darro, waxaan hubaa ciidamo ka badan 500 in ay noqdeen burcada"ayuu yiri cadde muuse oo farta ku goday in Puntland ku socoto wadadii bur burka.
Intaas ka dib waxaa la og yahay in weli magaalada Boosaaso ay ka taliyaan maamulkii hore kuwaas oo ku guulaystay maalmihii la soo dhaafay in ay fuliyaan weeraro qarsoon oo ay ugu tala galeen in ay iskaga horkeenaan beelaha wada dega degaanada Puntland iyaga oo doonaya in ay dhinac ula go,aan gobolka Bari.
Sida aad la socotaan maamulkii hore ee Cade muuse wuxuu xukumo kala duwan ku fuliyey wiilal laga afduubay guryihii ay degenaayeen kuwaas oo lagu eedeyey in ay dileen marxuumayaashii lagu dilay boosaaso waxaana dilalkaas fuliyey madaxda maamulka gobolka bari,waxayna si toos ah u diideen warbaahintii in ay la hadaal oo ka jawaabaan xukumadii ay fuliyeen
Magaalada Boosaaso waxaa ku yaala dhowr xarumood oo ay joogaan Ciidamadii hore ee Cade muuse lamana geli karo lamana yaqaan waxa lagu qabto waxaa ka mid ah xarunta Macdanta,PIS oo sheegta in ay yihiin sirdoon.
Maamulka gobolka Bari wuxuu ku guulaystay in uu Dilalka ay sameeyaan dusha ka saraan Somalida Koonfureen.Somalida Galbeed iyo weliba shacabka Reer Puntland, ilaa iyo hada ma jirto Ciidamadii Cade muuse sheegey inay wadaan Burcad nimo denbi lagu soo eedeyey
Waa kan Hadalkii Cadde Muuse oo dhan Hoos ka akhri
Horjoogihii hore ee maamul beeleedka Puntland ee gobolada Bari Cadde muuse Xirsi ayaa sheegay in habsami u socodka hanaanka maamuleed ee Puntland ay xagal daacinayaan arrimaha burcad badeedka ee ka jira xeebaha gobolada Bari, kaasoo ay aad uga macaasheen lacagaha faraha badan ee laga helo madax furashada maraakiibta.
Cadde Muuse ayaa falalka ammaan darada ee Puntland ku baahay ku sifeeyay falal ka dhashay kadib markii maleeshiyaadkii ammaanka laga sugayay ay kala dhuunteen, isla markaana ay mihnadoodii u badasheen burcad badeednimo.
Waxaa uu sheegay in maleeshiyaadka Puntland ay hada iska diiwan geliyaan horjoogayaasha burcad badeeda si ay uga mid noqdaan kooxaha sida sharci darada ah u afduubta maraakiibta iyo doonyaha caalamiga ah.
Cadde Muuse ayaa carabaabay ilaa iyo shan boqol oo askari oo ka tirsan Puntland in ay ku biireen burcada taasoo meesha ka saareysa hadalada ay warbaahinta caalamiga ah siiyaan madaxda Puntland oo ah in ay la dagaallamayaan kooxah burcad badeeda.
"Puntland waxaa xagal daacinaya habsami u socodkeeda burcad badeeda maxaa yeelay waxaaba ka mid ah ciidamadii amaanka ee laga rabay in ay la dagaalamaan kooxaha burcada, taasi waa nasiib darro, waxaan hubaa ciidamo ka badan 500 in ay noqdeen burcada"ayuu yiri cadde muuse oo farta ku goday in Puntland ku socoto wadadii bur burka.
Mar uu ka hadlay falalka amaan darida ee ka jira Puntland, waxaa uu meesha ka saaray in falalka amaan dari ay lug ku leeyihiin Al-Shabaab iyo Xizbul Islaam.
"Waxaa maalmahan jiray dilal iyo weeraro laga geysanayey magaalooyinka Boosaaso,Qardho,Garowe iyo Gaalkacyo dadbaa dhahayey Al-Shabaab baa ka dambeysa ,warkaasi waa been ee waxaa ka dambeeya dad u dhashay Puntland oo dadka ku laynaya hab beeleed,anaga waanu is naqaan ee yaanan beenta la sheegin dhibkana hal meel halooga soo wada jeesto"ayuu yiri Cadde muuse.