Gudoonka sare ee Baarlamaanka Somaaliya ayaa shaaca ka qaaday inaysan waxba kala socon safar ay Garoowe ku yimaadeen qaarkamid ah xildhibaanada Baarlamaanka ee Soomaaliya,wuxuuna gudoonku sheegay in xildhibaanadaasi aysan Baarlamaanka Soomaaliya matalin.
Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqore oo la hadlay qaarkamid ah Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanadaasi ay Garoowe u joogan dan ay iyagu leeyihiin balse aysan u joogan shaqo uu u dirsaday Baarlamaanka Soomaaliya,wuxuuna sheegay in xildhibaanadu ay xaq u leeyihiin inay deegaanadooda tagaan
Waxaa uu sheegay in gudoonka sare uusan waxba kala socon safarka ay xildhibaanadaasi ku tageen Maamul goboleedka Puntland kuwaasi oo uu sheegay in ay qeyb ka ahaayeen xildhibaano ku sugnaa mudooyinkii ugu dambeeyay wadanka Kenya,waxaana uu intaasi raaciyay in kulamo ay la qaateen Madaxda sare ee Maamul goboleedka Puntland kaasoo uu sheegay in uu Maqlay in looga hadlayay xalinta khilaafaadka ka dhex taagan maamulka Puntland iyo dowlada KMG.
Shalay galinkii dambe ayay aheeyd Markii xildhibaano ka tirsan Barlamanka kMG ee ku sugan Magaalada Garoowe ay kulan albaabadu u xirnaayeen la qaateen madaxweynaha Maamulkaasi iyo golahisa wasiirada Puntland kaasoo looga hadlayay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dowladda KMG iyo Maamulka Puntland.
Xubnaha ka tirsan Barlamanka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Garoowe ayaa ah xildhibaanadii ugu horeeyay ee ku jira barlamanka dowladda KMG oo gaara Maamul goboleedka Puntland tan iyo wixii ka dambeeyay khilaafkii soo kala dhexgalay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed kadib kulan ka dhacay Nairobi.