Generaalka qura oo Soomaali wada ogtahay inuu yahay danbiile dagaal, Gen Galaal aya sheegay in Cali Samatar iyo Ina Dafle ay yihiin danbiilayaal dagaal.
Gen Galaal oo ay soo maalgelisay Jabhada SNM ayaa ku eedeeyey Axmed Saleemaan Cabdale inuu geestay danbiyo dagaal xiligii uu Madaxda ka ahaa Nabad sugida, sidoo kalena uu lug ku lahaa xasuuqii Jazeera.
Galaal oo u jooga gobolka Galguduud arimo Qabiil, ayaa ku eedeeyey labadii sarkaal oo ugu aqoonta badnaa Madaxdii SoomaaliyaMaxamed Cali Samatar iyo Axmed Saleemaan Cabdale inay dileen Haween iyo Caruur.
Galaal, Abaanduulihii hore ee Jabhada USC oo uu Madaxda ka ahaa Generaal Caydiid ayaa hadalkiisa waxa ka mid ahaa in uu Maxamed Cali Samatar uu bixiyey Amarkii lagu duqeeyey Hargaysa,isaga oo aan soo hadal qaadin Jabhada ay matanaha yihiin ilaa maanta SNM.
Galaal oo ay Soomaalida inteeda badani ay aamineen inuu qirtay danbi uu horay u galay oo ahaa inuu dumiyey Qarankii Soomaaliya ka dib markii ay ka dhegaysteen Idaacada BBCda qaybteeda Afsomaliga isaga oo leh,waan dulownay markaan duminay Qarankayagii oo waxaanu gaarnay in guryahayaga nala kala baxo anaga oo qaawan,Isaga oo ka hadlayay markii ay ka kaxaysteen Ciidanka Kenya Qolkii uu ka degenaa Huteel ku yaala Magaalada Nairobi ee Wadanka Kenya, isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay,dumistii Dawladii dhexe ee Soomaaliya inay ahayd talaabo khalad ah oo horay loo qaaday,hase ahaatee Maanta ayuu wuxuu la soo noqday wixii horay loogu yaqaanay oo ahaa isbahaysiga labada Jabhadood ee SNM iyo USC..
Ugu danbayntii Generaal Galaal oo abaanduule ka ahaa Jabhadii Hooyada u ahayd dhibka Soomaaliya,ahaana Generaalku mid ku dhex jiray dagaalada sokeeya oo mudada 20 sano ah socday Soomaliay , laguna eedeeyo inuu ku dilay Muqdisho Saraakiil Badan oo aan la qabiil ahayn,hadana u Jooga Gobolka ay degto Beeshiisu inuu dagaal ka abaabulo,kaasoo lagu barakicin doono Caruur iyo Haween , oo ah mid uu u leeyahay Khibrad aad u saraysa,laguna siiyey abaal marina shaqadii uu qabtay 1991oo ahayd xasuug iyo qaxin uu geestay,ayaa waraysigiisa meesha qura oo laga soo dhowenayaa ay tahay Hargaysa oo ku maalgelisay inuu wax ka sheego Labada Sarkaal oo xalaasha ah Mudane Axmed Saleemaan Cabdale iyo Mudane Maxamed Cali Samatar