All Sanaag
Thursday, September 09, 2010
Faroole dagaalka Galgala Xisaab khalad ah ayuu isku dhuftay                                                                Colonel Shoot died in Bosaso                                                                Agaasimaha Jaamacada Maakhir oo socdaal ku maraya Maakhir                                                                Giving birth in UAE: from sand to state-of-the-art                                                                20 Wiil oo loo xiray qabiilkooda magaalada Boosaaso                                                                Ethiopia: waan ku noqon karnaa Soomaaliya                                                                Mareykanka oo 14 ruux eedeeyay                                                               
[3/4/2010]   Taariikhda iyo Dacwadda Gen. Samatar
>Salah Donyale Receives Hero’s Welcome in Bosaso, Puntland
>Line Up for Peace: Somali Peace Day
>The Buhodleh Massacre
>Mohamed Cali Samtar,A Ring of Clasic Scapegoating
>Response to what ICG said about Las-Anod
>A review of nomad Diaries through the eyes of a Somali immigrant
By Xalima
>San Diego's Little Mogadishi
By Yasmeen Maxamuud
>
>Casharadan ku saabsan yihiin siiradii rasuulkeena Muxammed(Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee
>
>
Maxamed Cali Samatar waxaa uu dhashay sanadkii 1931kii waxaa uu ahaa saraakiishii ugu horaysay ee si casri loogu tababaro ciidanka qalabka sida ee Somalia.

Maxamed Cali Samatar waxaa uu heer sare ka gaadhay Miltariga Somalia isaga oo ahaa qofkii ugu sareeyay ee taariikhda milatariga Somalia ee gaadhay darajada Sareeye Guud oo ahyd darjadii ugu sarysay ee ka jirtay Somalia.

Waxaa uu xubin kahaa XHKS waxaana uu ka mid ahaa Golaha Sare ee kacaanka Soomaaliyeed, waxaa uu si aad ah uga dhex muuqday talada dalka sanadihii 70meeyadii ilaa sideetamaadkii, waxaa uu 1980 ilaa 1986 ahaa wasiirka gaashaandhiga, 1dii Febdruary1987 waxaa loo magacaabay in uu noqdo Raisal wasaarihii ugu horeeyay ee ay yeelato  dawladii miltariga ee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, xilkaasi oo uu hayay tan iyo intii ay ka burburtay dawladdii dhexe ee somalia horaantii 1991kii.

General Maxamed Cali Samatar waxaa uu ka mid ahaa saraakiisha laf dhabrta  u ahayd ciidanka Somalia ee ka qayb qaadatay dhismihiisa Milatariga.


Siyaasiga Soomaaliyeed ee Cali khaliif Galayd oo ahaa raisal wasaarihii dawldii Carta ee sanadkii 2000 horena mar wasiir ka noqday dawladii kacaanka iskuna soo gaadheen golaha wasiirada

Sida uu sheegayo Cali Khaliif Galaydh  General Maxamed Cali Samatar waxaa uu lahaa khibrad dhinaca maamulka ah isaga oo tilmaamay in marka loo eego saraakiishii miltari ee talada la wareegtay uu isagu soo dhawayn jiray dhalinyarada waxbaratay

Dadka  faalleeya siyaasadii dawladii Kacaanka miltari waxaa ay xusaan in inqilaabkii miltari ka bacdi uu jiray loolan adag oo u dhexeeyay saraakiishii sare kuwaasi oo mid walba uu ka taamayay in uu qabto xilalka ugu sareeya, Hadaba maxay ahaayeen arrimihii u sahlay Genral Samatar in uu kaalinta labaad ee talada dalka uu galo isaga oo noqday madaxweyne ku xigeen iyo wasiirkii gaashaandhiga Waa kan mar kale Cali khaliif galaydh:-

Shalay ayay ahayd hadaba markii maxkamadda ugu saraysa dalkan maraykanka la horgeeyay dacwad ka dhan ah GeneralSamatar, dacwaddan ayaa waxaa  ka mid ahaa dadkii gudbiyay Cabdicaziiz Maxamed Diiriye oo isagu ku eedayna in dawladii uu madaxwene ku xigeenka ka ahaa General Maxamed Cali Samatar ay dishay Aaabihii walaalkii iyo dad ay qaraabo yihiin intii uu socday dagaalkii ka qaraxay waqooyiga somalia 1988kii

Sanadkii 1988kii ayay ahayd markii ay gobolada waqooyi ee dalka ay isaga horyimaadeen ciidamadii dawladii kacaanka iyo ururka SNM  iyaga oo dagaallo aad culus oo keenay barakac dad badan ay ka dilaaceen degaanadaasi..

Dadka dacwadda ku soo oogay Genaral Samatar ayaa ku eedaynaya dawladii kacaanka ee uu madaxda sare ka ahaa in sanadkaasi 88ki iyo sanado ka horeeyayba ay xasuuq iyo gumaad ka gaysteen.

Madaxda ururka SNM ayaa iyagu tilmaamaya in dagaalka waqooyi ka dhacay sababtiisu ay ahayd cadaadis badan oo ka jiray deeganadaasi sida uu faahfaahinayo  Maxamed Kaahin oo ka mid ah madaxdii sare ee ururka SNM .

Dagaalka  waqooyi galbeed ee sanadkii 1988kii ayaa dadka faaleeya siyaasdda Somalia waxay ku tilmaameen inuu ahaa bilwgii burburkii dawldii dhexe.

Dadka ka soo horjeeda dacwdda lagu soo oogay General Cali Samatar ayaa iyagu u arka in dawladdii dhexe ee markaasi jirtay ay ilaalinaysay jiritaanka dawladda iyo qaranimada Somalia sida ay tilmaamayso Danjire Faadumo Isaaq Biixi oo muddo badan safiir uga ahayd Somalia qaramada midoobey.

Ururada u dooda xuquuda aadamaha qaarkood iyo ururka SNM ayaa ku eedeeyay dawladii kacaanka in ay awood xadhaaf ah u adeegsatay dagaalkii waqooyiga ka dhacay 1988 sida uu qabo Maxamed Kaahin oo ka mid ah madaxdii sare ee ururka SNM.

Dhinaca kale waxaa jira eedaymo iyaguna loo soo jeedinayo  SNM iyo taageeryaasha ururkaasi ay gaysteen dambiyo dagaal, Danjire Faadmu  Isaaq Biixi oo iyadu danjire uga ahayd Somalia , qaramada midoobay , ayaa ku eedaynaysa ururkii SNM in ay iyaguna dhincooda dambiyo dagaal ka galeen.

SNM ayaa qabta fikir sidaasi ka duwan waxaana faahfaahin ka bixinaya Boobe Yuusuf Ducaale oo ah Qoraa Soomaaliyeed kana tirsanaa ururkii SNM waxaana u qabaa in eedaasi aanay ahayn mid meesha taalla:-

Wakhtgii ay dagaalladu ka dhacaeen waqooyiga ee 1988 waxa maanta laga joogaa 22 sanadood , tan iyo wakhtigaasi dacawdda ku socota Genral Cali Samatar ayaa soo martay marxalado kala duwan , laakin su’aasha muhiimka ee meesha taala ayaa ah,  masu’uuliyad intee leeg ayuu ku lahaa General Cali Samatar dagaalladii ka dhacay waqooyi .

Eedda dagaalkaasi ayay dadka qarkii qabaan inaaanay ku koobnayn Cali Samatar oo kaliya,  hase ahaatee ay tahay mid ay ku lugleyihiin dhamaan saraakiishi dawldii Kacaanka, waxnaa dadka fikirkaasi qaba ka mid ah Boobe Yuusuf Ducaale oo ah qoraa  kana mid ahaa ururkii SNM.

Haddii aynu dhinac kale ka eegno, maxkamadaynta Genral Samatar ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ku dhawaad labaatan sano kadib ay Somalia weli dagaalaadi ka socdaan , hadaba saamayn intee leeg ayaa soomaalida dhexdooda ay dacwaddan ku yeelan kartaa , Faysal Rooble waa  aqoonyahan soomliyeed oo ku nool dalkan maraykanka qoraallo badanna ka qora arrimaha Somalia .

Maxkamadda dawcdan shalay la horgeeyay ayaa ah maxkamadda ugu saraysa dalkan maraykanka iyada oo dadka dacwadda ku soo oogayna ay dhalsho maraykanka ah haystaan , hadaba sidee u arkayaan dadka maraykanku dacwaddan ka socota dhulkooda midda kale saamayn intee leeg ayay arrintani ku yeelanaysaa siyaasadda maraykanka iyo madaxda ajaanibka ah ee ku sugan wadanka Maraykanka , waakan markale Faysal Rooble oo ka jawaabaya.

General Maxamed Cali Samatar ayaa noqonaya mas’uulkii ugu sareeyay ee dawladii kacaanka ee dacwaddiisa la horkeeno maxkmad shisheeye.

Inkaste oo ay dacaddu socon donto dhowrka  bilood ee soo socda ayaa hadana waxaa ay muran badan ka abuurtay bulshada soomaalida dhexdooda, waxaanay u muuqataa in murankaasi mid la mid ahna uu ka jiro laamaaha garsoorka ee maraykanka oo iyagu haattan ku hawllan is waafajinta xaeerar  kala durugsan oo ay labada dhinac ee dawcaddu kala xajisnayaan
All Sanaag
 
 
© 2006 Webmaster Allsanaag Online powered by Horyaal Software