All Sanaag
Thursday, September 09, 2010
Faroole dagaalka Galgala Xisaab khalad ah ayuu isku dhuftay                                                                Colonel Shoot died in Bosaso                                                                Agaasimaha Jaamacada Maakhir oo socdaal ku maraya Maakhir                                                                Giving birth in UAE: from sand to state-of-the-art                                                                20 Wiil oo loo xiray qabiilkooda magaalada Boosaaso                                                                Ethiopia: waan ku noqon karnaa Soomaaliya                                                                Mareykanka oo 14 ruux eedeeyay                                                               
[2/28/2010]   Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wafti Reer Kuweyt ah
>Salah Donyale Receives Hero’s Welcome in Bosaso, Puntland
>Line Up for Peace: Somali Peace Day
>The Buhodleh Massacre
>Mohamed Cali Samtar,A Ring of Clasic Scapegoating
>Response to what ICG said about Las-Anod
>A review of nomad Diaries through the eyes of a Somali immigrant
By Xalima
>San Diego's Little Mogadishi
By Yasmeen Maxamuud
>
>Casharadan ku saabsan yihiin siiradii rasuulkeena Muxammed(Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee
>
>

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta la kulmay wefdi ka socday dalka Kuwait kuwaas oo ka koobna 12-qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen dad Soomaali ah,halka kuwa kale ay ahaayeen dad u dhashay dalka Kuwait.


Wefdigaan ka socda wadanka Kuwait oo ahaa ganacsato iyo dhaqaatir ayaa waxaa ay Madaxweynaha kula kulmeen madaxtooyada magaaladda Garoowe iyagoo maalinti shalay ay gaareen halkaasi.



Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa marki ugu horeysay saaka hadalkiisa ku furay in ay wefdigaan kusoo dhowaadaan magaaladda madaxda Puntland ee Garoowe uuna uga mahadcelinaayo booqashadaan ay ku yimaadeen degaanadda Puntland.



Dr.Faroole ayaa waxaa uu uga waramay qaabka Puntland ay ku timid ama lagu aas aasay,isagoo sheegay in markay dadka degan ay sugi waayeen Dowladdi dhexe ee Soomaaliya ay go’aansadeen in ay samaystaan maamul ay ku sugaan Dowlad dhexe ayna aas aaseen 1998-di.



Sidoo kale waxaa uu sheegay in degaanadda Puntland ay yihin degaano ay nimco Alle ka buuxa lana maalgashan karo uuna ka codsaday in ay maalgashadaan.waxaana uu inta ku daray in dhulka Puntland uu yahay dhul Soomaaliya ugu badda dheer isla markaana deris la ah Dowladdaha Carbeed oo si kasta u maalgashan karaan.





Madaxweyne Faroole ayaa ugu dambeynti waxaa uu wefdiga ka socda dalka Kuwait u sheegay in ay goobo badan si mari doonaan isla markaana madaxda iyo ganacstada wadanka Kuwait loo baahanyahay in ay wax kastoo ay wefdigaan arkaan in ay uga warbixiyaan si wax looga qabto waxyaalaha degaanadda Puntland waxka qabasho u baahan.





Wefdigaan ka socday dalalka Kuwait ayaa waxaa ay beriyahan ku sugnaayeen magaaladda Bosaaso waxayna yimaaden magaaladda Garoowe maalinti shalay iyagoo saaka booqday Isbitaalka magaaladda Garoowe,Ceelasha Biyaha iyo qeybo ka mid ah kaamamka ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah.


Xaquuqda Sawirada waxaa leh wariye Jaamac fayte

All Sanaag
 
 
© 2006 Webmaster Allsanaag Online powered by Horyaal Software