All Sanaag
Wednesday, September 08, 2010
Yemenis chewing their way to early death                                                                Cabdi jamaal' Waa in Af -urur la weeraraa                                                                UNHCR''230 AYAA KU DHINTAY LABA TODOBAAD MUQDISHO                                                                Xiisado Dagaal oo ka Aloosan Galgala                                                                Faroole oo booqday PISta Cisbitaalada Itoobiya ku jirta                                                                Ethiopia: waan ku noqon karnaa Soomaaliya                                                                Mareykanka oo 14 ruux eedeeyay                                                               
[2/28/2010]   Waa cadaalad daro in la dacweeyo Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar
>Salah Donyale Receives Hero’s Welcome in Bosaso, Puntland
>Line Up for Peace: Somali Peace Day
>The Buhodleh Massacre
>Mohamed Cali Samtar,A Ring of Clasic Scapegoating
>Response to what ICG said about Las-Anod
>A review of nomad Diaries through the eyes of a Somali immigrant
By Xalima
>San Diego's Little Mogadishi
By Yasmeen Maxamuud
>
>Casharadan ku saabsan yihiin siiradii rasuulkeena Muxammed(Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee
>
>
Ma cadaalad baa in dacwad lagu soo oogo cali samatar
Yes
No
I don't know










News (Minneapolis) 27.02-10 Marka hore waxaan salaamay dadka ku hadla afka somaliga.Marlabaad ka waxaan jeclahay inaan kahadlo dacwada ladoonayo in lagu qaado general maxamed cali samter ee kasocota dalka maraykanka, waa wax caadiya in qofkastoo dhibane ahi ba uu dambi kusoo oogo qofkii dhibta u gaystay,

Marlabaad ka waxaan jeclahay inaan kahadlo dacwada ladoonayo in lagu qaado general maxamed cali samter ee kasocota dalka maraykanka, waa wax caadiya in qofkastoo dhibane ahi ba uu dambi kusoo oogo qofkii dhibta u gaystay, mana jirto cid diidi karta arintaa oo marka laga yimaado sharciga caalamiga ah soomalidu dhaqan baabay kalahayd in qofka dhib gaysta in lagula xissabtamo wixii uu gaystay markaa ama haysdifaaco ama halagu helo wixii lagu haystay.

Hadaba waxaa iswaydiinle dacwada G.Cali Samter ma mid ugubaa mise waa wax soo jiray?

suaashu waxay noqonaysaa waa mid uguba waayo lama arag lamana maqal taariikhda somalida dacwaysanayaal iyadoon gar laqaadin oo aan geed lasoo fadhiisin oo aan odayaal gorfayn lakala xusho oo layidhaahdo hebel waa dambiile hebeelna waa bilaa dambi hada ogoow waa laba nin oo isku kiisa, cali samaterna waxaan aaminsanahay inuu yahay nin halyeey somaaliyeed ah anoon ka eegin isku reerka aanu nahay.

Gobolada Waqooy 1988

Aan guda galo ujeedadayda 1988 waxaa kadhacay Gobolada Waqooyi dil baahsan oo ay gaysteen Dawlad iyo mucaaridba oo naf iyo maalba lahaa waxa sidoo kale cad cidii dambiyadaa gaysatay oo ay maanta qaarkood kuwii dambiyada ay kagaleen madaxwaynayaal uyihiin cidina aanay kasheekayn iska daa dambi lagu soo oogee.

Ragaasi waxay kudhex leeyihiin magac iyo sumcad dadkii ay laayeen halka Cali samter lagu ashkataynayo meel ujirta boqolkun oo kilimitit goobtii uu faldambiyeedku kadhacay. waxay umuuqataa oo qof walba oo caqli lihi uu garanayaa inaan cali samter lagu haysan dambi uu galay ee lagu eryanayo muxuu nin gabooye ahi uu madax unoqday waayo hadii dambi laysku haysto dee ragii gacantooda wax kudili jiray cali samter waxbuu amri jiree ayaa ladacwaynlahaa.

Dadkii Lalaayay Baa kala fadli Badnaa?

Toloow mise dadkii lalaayay baa kala fadli badnaa oo dadka Cali Samter loo haystaa dadkii ugu wanaagsanaa ahaa oo kuwa Daahir Riyaale iyo saaxiibadii loo haysto oo ay buugaagta badan ka qortay Raaqiya oomaar ayaa dad liitay ahaa oo aan qiimo badan lahayn.

in dacwad lagu qaado cali samter waxay umuuqataa mid adag sida ay dawlada maraykanku u aqbasho waayo immunity ayuu kujoogaa maraykan balse way fududahay in Daahir riyaale iyo saaxiibadii dacwad lagu qaado laakiin suurta galmaaha waayo daahir riyaale iyo saaxibadii waxay kasoo jeedaan reer hubaysan oo lagula shuraako yahay dawladkusheeg afkuun laga sheegto laakiin cali samter reerkiisa oo ah gabooye ma hubaysana markaa isaga waa la eryan karaa taasina maaha cadaalad, oo cadaalad unoqonmayso dadkii lalaayay, cadaalad unoqonmayso dadkii lajidhdilay, waxayse noqonaysaa cadaalad daro laga galay dadkii lalaayay iyo cadaalad daro cusub oo nalaga galayo hadaanu nahay Beesha Gabooye oo laleeyahay wixii dambiya ee dhacay ee somali oodhan gaysatay idinkaa leh waayo awood malihidin.

Xasuuqii ay hormood ka ahayd Jabhadii SNM?

Waxaanse usheegayaa dadka fikirkaa aaminsan inaanu taa kajaawabi doono haynana liisas dhaadheer oo magacyo ah oo dadkii lagu xasuuqay Hargaysa , Burco iyo barbara ee gabooyaha ahaa dadkaas oo kor udhaafaya kumaankun qof cida kiiskaa gashayna ay tahay siilaanyo iyo saaxiibadii oo hogaaminayay jabhadii snm ee soo weerartay gobolada waqooyi, waxaanu haynaa cadaynta dadkii lagu laayay geed deeble oo waqooyi kaxigta magaalada hargaysa waxaananu hayanaa dadkii kasoo badbaaday dilkaa oo aanu markhaati ukeeni doono yurub iyo marayakan,ragii SNM hogaaminayayna way joogaan yurub iyo marayakan oo ay ugu nool yihiin si raaxo leh

Wabilaahi Tawfiiq Ilaahow Cadaalada Nagaransii aabir_2@hotmil.com
All Sanaag
 
 
© 2006 Webmaster Allsanaag Online powered by Horyaal Software