Waxaa ILLaahay haw naxariistee lagu aasay magaalada Bali busle ee Gobolka Sanaag maxamed saciid cabdale oo ku magac dheeraa (Garaadka) oo habeen hore gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Garoowe xili uu halkaa u joogay hawlo shaqo oo uu u hayay urur uu isagu Gudoomiye u ahaa kana shaqayn jiray hurumarinta Deegaanka
maxamed saciid oo lagu yaqaanay fir fircooni iyo xilkasnimo dheeraad ah ayaa waxa 1/2/010 waxaa lagu dilay meel ka baxsan Magaalada Goroowe isaga oo meydkiisana la keenay duleedka magaalada Garoowe ka dibna halkaa qaraabadiisu ugu tagtay iyaga oo la yaabay sida foosha xun ee loo dilay marxuumka iyo waliba iyaga oo horay ugu soo qaaday degaanka uu ka soo jeeday marxuumku oo ay ka muuqatay inuu u dhintay dhaawac ka soo gaaray xabadihii lala dhacay
Marxuumka ayaa waxaa la cadeynayaa in dilkiisa uu ka danbeeyay nin ka tirsan ilaalada madaxwayne ku xigeenka puntland ahna qaraabada madaxwayne ku xigeenka hadana uu si dhuumaalaysi ah u joogo gobolka Mudug isaga oo ay ku raad jooogaan qaraabadii uu ka dhintay maxamed,
Gacan ku dhiiglaha geystay falkaan ayaa horay waxa uu isugu dayay inuu dilo cabdinaasir cali axmed (awaare) oo waqtigaas ku sugnaa Maxkamada Magaalada Boosaaso,isaga oo iska dhigay booliska Puntland ka dibna ay ka shekiyeen qaar ka tirsan ilaalada Maxkamada Boosaaso halkaasna ku qabteen ,kumase hakan jeelkii Boosaasso maxaa yeelay waxa uu ku soo baxay wareegta ka soo baxday aqalka madaxweyne ku xigeenka puntland oo horeyba looga soo diray
Dhamaan waxgaradka iyo dawaynaha Degaanka ayaa waxay canbaaraynayaa falkaan foosha xun ay ku kacayaan qaar ka mid ah masuuliyiinta Dawlada iyo wax magartada laynaysa dadka kuwooda wax galka ah gaar ahaan dadkaan dilay Maxamed saciid cabdale(Garaadka)Waxaanay baaq u dirayaan dawlada Puntland in aanay noqon tii dadkeeda laysee ay noqoto tii dadkeeda difaacda