All Sanaag
Thursday, September 09, 2010
Faroole dagaalka Galgala Xisaab khalad ah ayuu isku dhuftay                                                                Colonel Shoot died in Bosaso                                                                Agaasimaha Jaamacada Maakhir oo socdaal ku maraya Maakhir                                                                Giving birth in UAE: from sand to state-of-the-art                                                                20 Wiil oo loo xiray qabiilkooda magaalada Boosaaso                                                                Ethiopia: waan ku noqon karnaa Soomaaliya                                                                Mareykanka oo 14 ruux eedeeyay                                                               
[3/21/2007]   Maxamed Cabdi Aar 2 Gabay oo uu tiriyey.
>Salah Donyale Receives Hero’s Welcome in Bosaso, Puntland
>Line Up for Peace: Somali Peace Day
>The Buhodleh Massacre
>Mohamed Cali Samtar,A Ring of Clasic Scapegoating
>Response to what ICG said about Las-Anod
>A review of nomad Diaries through the eyes of a Somali immigrant
By Xalima
>San Diego's Little Mogadishi
By Yasmeen Maxamuud
>
>Casharadan ku saabsan yihiin siiradii rasuulkeena Muxammed(Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee
>
>

Gabaygan oo la magac baxay Xunbo, waxan ka qorray Mukhtaar Xamuurad ,wuxuna noo sheegay inuu gabaygani yahay gabaygii ugu danbeeyey ee uu tiriyey Alla ha u naxariistee Maxamed Cabdi Aar. Abwaanku wuxu inoo sawirayaa waayaha aduun iyo sida ay tiiraanyo u leedahay qof ku dhex nool bulsho aan qadarineyn . Wuxu kale oo humaaggiisa  inagu tusayaa xaaladda Soomaaliya iyo sida ay u  cakiran tahay . wuxuna yidhi :-


Waa xoodh gudhaayoo aduun waa xunboo kale e


Waa xayska da’ayoo kaloo ma laha xeeldheere


Xiiso ma laha soomaali aad xeer la dhigataaye


Goortay xumaan kugu arkaan kaa xariir jabe e


Xurmo iyo wanaag waa intaad xoogga leedahaye


Xoola siiyayaa iyo si kale u xusul duubaaba


Anba maalintaa kii xanniban waan xurmayn jiraye


Xigto iyo xigaaliyo dhammaan xididka ii gooyey


Nin waliba wuxuu igu xusaan berri ku xaalayne


Waxay aniga iga xaasidaan waa xujiyo yaabe !!!!


Naftaa xeriyey, oontaan xarrimay nolosha aaan xooray


Taftaan xaydey, xusulkaan kabaha xag ugu laad-laadshey


Dhulkaan xaarey, ciiddaan xardhiyo dhagaxa aan xuunshey


Xidig baygu yuururey tan iyo xulaygii dayreede


Hayeeshee xilligu ways bedeli xoobirada dhow eh


Xaaladayda eebbaan ku xidhay waw xamdiyayaaye.


Gabaygii Tusaale halka ka akhri


Mohamed abdi aar alaha u naxariistee waxaa uu tixdaan kaga jawaabay mar uu aadan tarabi soo tiriyey gabay uu lahaa (cabdiyoow tukihi weli taaladii waa ka taaganyahay),cadigu waa cadi qays. aadan tarabi markaa jabuuti ayuu  joogey waxa uuna gabayga u diray rag xamar jooga oo abwaano ah ayna ka mid yihiin hadraawi,cabdiqays oo uu ku halqabsanayey,siciid saalax,gaariye iyo  niman kale oo xamar ku sugan. maxamed cabdi aar oo ceerigaabo jooga ayna aadan tarabi saaxiib ahaayeen maansooyinkana weligood isku tuur tuuri jireen
ayaa hawada ka laacay wuxuna yidhi.


tirshoow aadan taraboow
toobiyaha sanaag
todobaadka wiilkii
tebeshlaha ku joogoow


tixdii aad direysee
cabdi aad u tebisaan
hawa dhexe ka taabee
sheekada tilmaantuna
tii aad lahaydeen
tiinii in ay tahay
anba waan tebayee
taydana ku talo gala


xuunshaduba tuuraha
dhaaxeey ka talisee
hddii uu tukaa haad
markiisii tisqaadoo
isku taagey taalada
tiir biraa u aasano
sida looga tuuraa
waa calaacal timolee
ninna yaanu taa tebin


taariikhda dib u raac
wakhtigii tamuud iyo
illaa maanta taagnayd
oo taynu joognaa
todobaatankii tahay


imisaa wan taharweyn
tunka hilibku buuxsamey
ama tuur cadoow dibi
baarqab geela toocsada
immisaa talcuuntiyo
cudurada tamootidu
tarab tarab u laayeen


immisaa nin taajira
taajku waajo saarnaa
tuugsanaaya maantaba
tiiraanjo ciilqaba


immisaa nin taagdaran
tukubaayey shalay galab
taabba qaaday la’arkaa
taabacaaya maantaba


todobaa idaa dhalay
todobaatan baa madhan
tiriyoo wixii hadhay
ceelkii tigaadliyo
todob da ay haloo raro


addna waa tilmaamaha
anna waa tusaalaha
tii allena halkeedii.


 

All Sanaag
 
 
© 2006 Webmaster Allsanaag Online powered by Horyaal Software