Madaxweynaha iyo Shaqaalihiisa Ma Sidanaa ka Dhaba? RW Cabdiweli Weriyaha Hortiisa Siduu u Dhaqmayo Daawada
- Details
- Written by khalid
Arag oo dhegeyso wefdiga Soomaalida siday u dhaqmayaan. Ma garan waayeen weriyayaasha adduunka iyo kamarada intaydaan soo gaadhin sii wada hadla? Ma garan waayeen suxufiyiinta horteeda hurdo, qalqalooc iyo isgiigijini kuma haboona? Sawirka hoose arag, hurdada iyo is qaloocinta ka muuqata.

Kuwaa Cabdiwalaa ka daran. Halka hoose ka daawo Cabdiweli oo u dhaqmaya si ka liidata taa wefdiga Shariif. Weriyaha hortiisa ayuu Koodhka hagaajisanayaa. Hadaladiisu waa isku dhexdaadsan yihiin. Cabsi baa wejigiisa ka muuqata. Labada daqiiqo ka dib telifoon buu qabsanayaa oo Soomaali ku hadlayaa, isagoo kursi weriyaha u muuqda fadhiya.
Madaxdaa aan habdhaqanka iyo anshax madaxda dawlada looga baahan yahay aqoon waa nasiib daro in mustaqbalkii ummada gacanta loo geliyey? Kuwa aan asluubtaa aasaasiga ah ee hab dhaqanka madaxda aqoon miyaa dastuur asaaskiisa garanaya?Waa maya
TFGdu Dalka ay mustaqbalkiisa xaraasheyso oo intey Itoobiya iyo Kiiniya ciidankiisii gudaha Soomaaliya ka soo buuxiyeen, dastuur ay labadaasi riixayaan intey UNPOS-Mahiige iska hormariyeena, ay dabada ka wadaan, cadaabtii Jahannamo bay TFGdu ku wadaan Soomaali, haddii aan laga qaban.
Ogaada Itoobiya iyo Kiiniya iyagaa dantooda idiin isticmaalaya ee nimankiinan taangiga AMISOM saarani ma isticmaali karaan.
Cali Mahdi, Cabdulqaasim, Geedi, Galayr iyo Cabdulaahi Yuusuf baa casharo idiinku filan looga feejignaado Itoobiya iyo Kiiniya khayaamadeeda ah adigaan kula jiraa.
Khayaamadii iyo dhagartii Itoobiya iyo Kiiniya ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ummada uga sii digay, siduu buugiisa ku faaleeyey, cashar miyaadinaan ku qaadan? Labadaa dal ee ciidankiisu, iyagoo been ka sheegaya shabaabka ay leeyihiin waa la dagaalameynaa, dalkana xaraanta ku jooga, ayaa maalin dhow sidii aad qashin tihiin madaxnimada dalkiina idinka tuuraya, oo meelaha qashin-qubka idinku ridaya. Marka sida qashinka la idiin tuuro ka dib ayaad hadhow meel kasta ka odhan doonaan "Itoobiya iyo Kiiniya" oo burburinaya iyo " UNPOS-Mahige iyo Yugaadha" oo u sahalaya Soomalia halaga qabto, haddii nabad la rabo in laga dhaliyo.
Inta aad kursiga ku fadhidaan adduunka u sheega in labadaa dal iyo xafiiska ay ku shaqaystaan ee UNPOS, ee Mahiige, inta Soomaalia ay faraha kula jiraan in aan weligeed nabad la gaadhayn. Goormaa Soomaali madaxa oo intaa yidhaahda la arki doonaa? Mar kasta waxaan aragnaa dhamaantood iyagoo intaa sheegaya marka madaxnimada Itoobiya ka qaado.
Sida Amiin Caamir sawiray, Mahiige wuxuu idiin qarinayaa mindiyo ay Itoobiya iyo Kiiniya u soo dhiibeen oo lagu qalayo, googeynayo qarankiin Soomaaliyeed. Soomaali mindiyahaa la booda oo hunguri ku bedesha la waayi maayo.

WARAR: AF SOOMAALI
- Details
- Written by Allsanaag
QM OO LACAG CAYR AH U QORTAY SNM Qaramada midoobey ayaa sheegtay in Kumaakun [ ... ]
Madaxweynaha dawlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Wasiirka ari [ ... ]
Qaramada Midoobey oo sheegtay in la bililiqaysto Raashinka gargaarka. &nb [ ... ]
Shidaalkii laga qodayey Dooxada Dharooor ee Gobolka Bari ee dawlada Soomaali [ ... ]
Maxaabiis Soomali ah oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo lagu eedayn [ ... ]
Muqdishoo burbursan
Mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa beesha Muqdisho qaarkood [ ... ]
Xaaji Ibraahim Cusmaan Uunlaaye oo mid ahaa tujaartii Soomaaliya ugu caansanay [ ... ]
Madaxweynaha Dawlada KMG Sheekh Shariif iyo ninka u qaabilsan Maamulka Siilaanyo [ ... ]
Al-Shabaab oo ah urur kusoo kordhiyay dalka Soomaaliya dhibkii kajiray [ ... ]
Baadariga Dalka Uganda xukuma Yoweri Museveni ayaa dhalinyaro Soomali lagu wada [ ... ]
Shirweyne Reer Maakhir Oo Guda Galay Maalintii Labaad iyo Qodobo Xasaasi Oo Ha [ ... ]
Turkey
Turkiga waxa uu rajaynayaa in madaxwaynaha cusub ee dalka Fransiiska [ ... ]
Waxa la kashifay in Wasaarada Difaaca ee Maraykanku ay barto ciidankeeda in Isla [ ... ]
Waxaa galabnimadii maanta dil loogu geystey Xaafadda New Bosaso ee magaalada B [ ... ]
Madaxweyne-ku-sheega Soomaaliya Shariif Axmed ayaa maanta dalacsiiyay 14 [ ... ]
Waxaan Tacsi u dirayaa Ehalada iyo shacabka Puntland ee uu ka baxey Marxuum Ab [ ... ]
Qabqable-Dagaal, General-Beeneed Indhacade oo ay DKM malayshiyadiisa, dembiy [ ... ]
Magaalada Ceerigaabo oo xarun u ah gobolka Sanaag waa magaalada Soomaaliya ugu [ ... ]
Maalintii shalay waxa Dekeda Muqdisho ka soo degay qalab Ciidanka Bo [ ... ]
Abaaraha 9:15 fiidnimo markay ku beegnayd saacada Geeska Afirca ayaa waxaa nin h [ ... ]
Keeniyaatunka Soomaalida ku nool Waqooyi Bari iyo xeryaha qaxootiga waxa ku haya [ ... ]
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole,kuxigeenka [ ... ]

